BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

FAAF FAAHIN: Kenya Oo Sheegtay Inuu Geeriyooday Afhayeenkii Ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud (SHEEKH CALI DHEERE) Iyo Wakaalada Wararka AFP iyo Warbaahinta Caalamka Oo ,, (WARBIXIN)

dhereeer_307-03-2014 Nairobi (Bnn) Emmanuel Chirchir oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa bogga uu Tweetterka ku leeyahay waxaa uu ku sheegay in maalintii Arbacadii uu geeriyooday Sh, Cali Max’ud Raage oo Cali dheere ku magac dheer ahna afhayeenka Xarakadda Al-Shabab.

Emmanuel Chirchir waxaa uu sheegay in Cali Dheere oo waayahaan qabay dhaawac culus oo kasoo gaaray duqeyn muddo 2 bilood ka hor ka ah ka  dhacday Soomaaliya uu geeriyooday maalintii Arbacada ee na dhaaftay sida uu yiri waxaana sidoo kale qoraalkaan kasoo baxay afhayeenka ciidamada Kenya lagu qoray wargeyska Daily Nation oo Kenya kasoo baxa iyo wakaaladda wararka AFP.

Chichir waxaa uu qoraalkiisa ku yiri “Waxaan xaqiijinayaa inb Cali Dheere afhayeenkii Al-Shabab Arbacadii ayuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray duqeyn 10 bishii January ee sanadkaan ka dhacday degaanka Birta dheer ee koofurta Soomaaliya” waxaana uu intaa ku daray in duqeyntaas oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa bartilmaameedkoodu waxaa uu ahaa hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Cabdi Godane laakiin looguu yeedho Sh, Abuu Zubeyr hase ahaatee uu ka bad baaday.

Duqeyntaas sidoo kale afhayeenkaan Kenya u hadlay waxaa uu sheegay inay ku dileen illaa 30 ruux oo hogaamiyaal Al-Shabab iyo Al-Qacida ka tirsan.

Al-Shabab walli kama aysan hadlin hadalkan dawlada Kenya kasoo baxay hase ahaatee  Sh, Cali Dheere ayaa maalmo ka hor la hadlay warbaahintooda sidoo kalena dhawaana mar ayuu kasoo muuqday Tv,ga Aljazeera qeybtiisa afka English,ka wax ku tabiya.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 19 June 2014 14:32
Thursday, 17 April 2014 13:45
Friday, 28 March 2014 14:22
Wednesday, 02 October 2013 06:26
Wednesday, 09 October 2013 18:59
Sunday, 22 June 2014 11:37
Sunday, 20 October 2013 05:29
Saturday, 05 April 2014 04:35
Tuesday, 04 February 2014 06:11
Sunday, 15 December 2013 08:44