BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo Sheegay in riyo Tahay Maamulka Lixda Gobol ee Baydhabo laga Dhisay +DHAGAYSO

ahnmmed_madoob307-03-2014 Kismaayo (Bnn) Hogaamiyaha maamulka KMG JUBBA Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa waxa uu ka hadlay sida ay u arkaan lixda gobol maamulka ay ku mideysan yihiin ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay iyagu aaminsan yihiin maamulkaasi inuu yahay mid aan suurta gali doonin isagoo sheegay inay taageeri doonaan maamulka ka kooban seddexda gobol ee laga hirgelinayo Baydhabo.

Waxa uu Axmed Madoobe ayaa tibaaxay inay riyo ula muuqato lixda gobol ee laga dhisay maamulkooda Baydhabo waxaana dad dano gaar ah leh uu ku eedeeyey inay maamulkaasi sameyntiisu dhexda uxidheen hayeeshee mowqifka Qaramada Midoobay ka qaadatay oo kale iyaguna taageerayaan.

Sidoo kale Hogaamiyaha Maamulka JUBBA Axmed Madoobe ayaa ka hadlay burinta qodobkii aan dhaqan gelin ee ku wareejinta dawlada Somaliya maamulida garoonka diyaaradah Kismaayo iyo Dekada Kismaayo isagoo difaacay ballan ka bixii ay sameeyeen maadama uu ku andacooday qodobo aan horey loo hirgelin.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.



Boramanews Disk
Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 04 July 2014 11:06
Sunday, 22 September 2013 16:50
Saturday, 15 February 2014 20:44
Tuesday, 22 October 2013 07:21
Wednesday, 01 January 2014 11:01
Wednesday, 11 December 2013 20:26
Monday, 19 August 2013 03:34
Friday, 11 October 2013 18:19
Monday, 07 October 2013 05:08
Monday, 07 April 2014 23:42