BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

ADDISABABA:Madaxweynaha Maamulka Jubba Oo Kulan Xaasaasiya La Yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya Haliemariam Desalegn Iyo Arimo Dhawr Ah Oo Lagu Falanqeeyay (SAWIRO)

shm107-03-2014 (BNN) Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,waxaa shir arrimo badan looga hadlay uu ku dhexmaray hoggaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) iyo raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Kulanka labada mas’uul waxaa ku waheliyey mas’uuliyin ka tirsan maamulka Jubba,waxaana la isla soo qaaday arrimo ay ka mdi yihiin gacansinta maamulka Jubba ee dalka Itoobiya.

Dahfurka shirka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee ka jirta Soomaaliya,iyadoona la falan-qeeyey howlgallada bilowga ah ee Soomaaliya ka bilowdey kuwaaso la sheegay in lugu doonayo sidii Al-shabaab looga saare laha guud ahaanba dalka.

Labada dhinac sidoo kale waxaa ay isla soo qaaden arrimo ay ka mdi yihiin sidii Itoobiya ay u taageeri lahayd maamulka Jubba,iyadoona Axmed Madoobe uu raysul wasaaraha dalka u gudbiyey inay xilligaan ka doonayan dowladda Itoobiya inay ka taageerto arrimaha horumarka iyo amniga guud ahaan deegaanada uu ka kooban yahay maamulka Jubba.

Dhammaanba arrimaha ay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo raysul wasaare Hailemariam Desalegn,waxaa la sheegay inay isku waa faqen.

Raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn,ayaa shirka ka sheegay inay ku faraxsanyihiin booqashada waftiga ka socda maamulka Jubba,waxaana uu inta ku daray inay gacan sin doonan maamulka sii uu uga gudbo arrimaha hortaagan.

“Mar walba waxaan doonayna inan garab qabano maamulka Jubba,si uu uga gudbo caqabadaha horyaalla,wanaa kala shaqeyn doonna dhammaanba arrimaha ay noo soo gudbiyeen,”ayuu yiri Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiyaha ay tahay dowladda ay xiriir wanagsan la leeyihiin,taasina ay ka dhigayso lagama-marman in gacan ay ka siiyan arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo hormarinta.

“Itoobiya waa dal xiriir naga dhaxeeyo,taasina waxaa an ku doonayna inay naga taageeran amniga iyo hormarinta maamulka,”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Kulanka labada mas’uul lama sheegin inay isla soo qaaden heshiiski ay wada galen dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba,maadaama maamulku uu sheegay inan waxba laga hirgalin.

Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa booqosho rasmi ah ku jooga magaalada Addis Ababa,lamana sheegin xilliga ay soo gaba-gabeynayan booqashadooda.


Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews@gmail.com

shm1

shm2

shm3

 shm4

shm5

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 06 October 2013 20:23
Monday, 03 February 2014 20:37
Friday, 25 April 2014 13:03
Friday, 09 May 2014 19:19
Tuesday, 24 June 2014 19:12
Sunday, 13 April 2014 15:25
Wednesday, 02 October 2013 00:42
Wednesday, 18 September 2013 14:51
Thursday, 21 August 2014 19:13
Wednesday, 30 July 2014 19:18