HARGEYSA:Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Isfahamwaa Soo Kala Dhexgalay Xaglo-toosiye Iyo Siilaanyo Iyo Wasiiro Ku Guulaystay In Ay Kasoo Celiyaan Burco

xaglotosiye107-03-2014 (BNN) Wasiirada duulista hawada Maxamud Xaashi Iyo Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ayaa ku guulaystay in ay soo sasabaan oo ay Hargeysa kusoo celiyaan Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo-toosiye oo doraad ka duday Magaalada Hargeysa kadib markii uu ka cadhooday heshiis Siilaanyo lagalay xiligii uu kusoo biirayay Somaliland oo looga baxay.

 

Wasiir Xaglo-toosiye ayaa 100 Askari oo la ogayn meel ay joogaan mishaarkooga gacanta loogu ridi jiray isla markaana xil wasiirnimo iyo 300,000 dolar oo lacag cad ah gacanta loogaliyay xiligii uu kusoo biirayay Maamulka Siilaanyo. Taliyaha ciidamada Somaliland Jeneral Shaqale ayaa dib u habayn iyo tirin kadib ciidamada Somaliland ka dhexwaayay 100 Askari oo mushaarkooga Xaglotoosiye loo dhiibi jiray. Taliyaha ayaa madaxtooyada ka wargaliyay lacagtiina waalaga joojiyay. Mid ka mida shaqaalaha Madaxtooyada oo saaka Boramanews uga waramay is mariwaaga ayaa sheegay in Madaxwayne Siilaanyo habeen hore la kulmay Xaglo-toosiye una sheegay in Lacagtaasi dawladiisu bixin karin,isla markaana uu xilkiisa haysto maamulkiisana la shaqeeyo.


Saleebaan Xaglotoosiye ayaa liqi kariwaayay go,aanka Siilaanyo,wuxuuna ka xidhxidhay alaab wixii dhulka ka taalay una cararay Magaalada Buuhoodle,balse Siilaanyo ayaa kadaba diray wasiirada beeshiisa iyo odayaal wuxuna Saleebaan Xaglotoosiye ku dooday in heshiis looga baxay marnaba aqbalaynin inuu Hargeysa ku laabto,Balse ugu dambayntii Siilaanyo ayaa tanaasulay oo 100kii Askari lacagtooda bilwalba Xaglotoosiye u balanqaaday. Saleebaan Xaglo toosiye oo xalay la keenay Hargeysa ayaa xukuumada Siilaanyo ka baqaysaa in haddii uu goostay kusoo abaabulo dagaal ka bilaabma deegaanada Buuhoodle oo deris la ah beesha Siilaanyo,taasi oo dagaal waxba la,iskula hadhin hore uga dhacay kuna  nafwaayeen tiro dad ah oo badan.


Xaglotoosiye ayaa muujiyay in uu yahay quwad ka awood badan siyaasiyiin tiro badan oo ay kasoo wada jeedaan gobolka Sool,waxaana Siilaanyo iyo siyaasiyiinta ku xeerani aaminsan yihiin nin nabadna keeni kara ,dagaalna ka ridi kara markasta.

 

 Cabdiraxman X.Xasan (Suul)

Hargeysa/Boramanews

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 30 September 2013 05:46
Saturday, 25 January 2014 17:42
Monday, 04 November 2013 22:12
Friday, 07 February 2014 17:01
Monday, 27 January 2014 23:16
Monday, 02 September 2013 05:55
Monday, 26 August 2013 00:30
Saturday, 26 October 2013 05:59
Friday, 23 August 2013 04:14
Wednesday, 07 August 2013 17:06