BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Ciidamada Itoobiya Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Magaalooyin Badan Iyo Qorshaha Milateri Ee Gobolada Dhexe Iyo Gedo (DHAGAYSO)

e508-03-2014 (BNN) Ciidmada Ethiopia ayaa si rasmi ah ula wareegey magaalda Xudur ee caasimada gobolka Bakool, ciidamdan ayaan goor sii horeysey hareereeyey magaalada iyagoo isgaarsiintiina jarey.

 

Safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia Wondimu Asaminew ayaa u sheegey VOAda in ay si nabad ah oo aan dagaal laheyn ula wareegeen magaalda goordhoweyd.

 

Dhanka kalena Ciidamda Dowladda iyo kuwa ka socda Ethiopia oo iskaashanaya ayaa kaabiga ku haya magaalda Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

 

dhaqdhaqaaqan ay sameynayaan ciidamda Ethiopia ayaa qeyb ka ah howlgal la filaayo in ay ciidamadan kula wareegaan gacan ku heynta gobolada Bay Bakool iyo Gedo.

 

Sidoo kale afhayeenka  Ahlusuna  Wal-Jamaaca ee gobolada Koonfureed Sh.Mohamed Hussein Isaaq (al- Qaadi) ayaa sheegay in Ciidamo ka kooban dawladda Somalia, AMISOM kuwa Alhusuna Wal-Jamaaca ay gobolada Gedo iyo Bakool ka wadaan hawlgalo ay kaga dhan yihiin xoogaga kooxda al- shabaab, iyagoo weeraray fariisimo ay ku lahayeen kala Beeyr ama birta dheer, burburiyayana goob difaac oo weeyn.

 

Waraysiyo kala duwan oo arrintan la xiriirta ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

VOA

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 12 June 2014 03:56
Monday, 03 March 2014 22:01
Thursday, 13 March 2014 01:10
Friday, 25 April 2014 04:21
Friday, 11 October 2013 21:53
Tuesday, 01 July 2014 06:18
Thursday, 01 August 2013 13:13
Wednesday, 08 January 2014 11:18
Tuesday, 22 April 2014 13:23
Monday, 12 August 2013 22:30