BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Shacbiga ayaa Dawlada ah madaxduna shaqaale..........Qore Axmed Ilmi

maqaalInkastoo dadku bartay sida shaqaale shaqo muhima loogu igmado,kana gudbeen in koox ama qofba ka gado anaa idiin shaqaynaya ,taasina tahay guul weyn oo umadu baratay ,hadana waxa weli aanay baran sida shaqaalaha muhimka ah loola dhaqmo loola hadlo ,loogu mahad celiyo marka ay shaqadooda gutaan ,amaba gudasho darida shaxdeeda iyo luqadeeda siday tahay.

waxan ku soo ururinayaa qofkasta oo muwaadin ahi ha aamino in Madaxweynuhu yahay muwaadin aan ku ixtiraamayno inuu gudoominta shaqada ugu saraysa masuuliyadeeda aqbalay,dhanka kalena aan aamino in yahay muwaadin Shaqaaleha inoo sheqeeya ka mida ,isla markaana aynu kuleenahay in uu ina ixtiraamo ,shaqada aynu siinay ee sharafta iyo ajarka uu ka helayo hadii u guto sax

waxa kale oo iyana mihima in aan barano Shaqaaleheenu darajada uu doono ha joogo hadii uu sidii aan u diranay u sheqeeyo, waxa uu gutey uun shaqadii mushaharka iyo sharaftaba aan ku siinayeyney , yaanse loo fahmin in uu wax isagu shaqsi ahaan u lahaa uu wax inoogu qabtay,  tusaale ahaan ka waran hadii umad meel degani ku heshiiso inay dukaan ay wada leeyihiin furtaan hadana isla gartaan in  dukaan ka shaqaale loo qoro shaqaaluhuna mid ka mida madax looga dhigo mushahar cayimana loo qoro , markaa nimankaasi waa shaqaale madax haba kala lahaadaane ,laakiin umadu shaqaalahan waxay ka rabtaa in dukaanku camirmo faa'iido badan oo bulshadaa deeqdana laga helo, markaa haday sidaa yeelaan  waa shaqadii loo dirtay uun waxanse odhan kara thanks keliya

marka xisaabtu aljabrada noocaasa noqoto Madaxweynuhuna yahay shaqaalahaas dadku shaqada u dirtay  xagee wasiir joogaa  .

waxan ku soo gunaanadayaa dadyahow idinkaa is dulmiye e aan fiiro dheeraano,madaxda dalka noockasta oo ay tahayna waxay leeyihiin karaamo cayiman oo qeexan ,kunna qotonta hawl loo igmaday ,sida ay u wadana sax iyo khalad ,ogaansheheeda iyo lasocodkeedu yahay waajib muwaadin kasta saaran,

inagoo taa umarayna qaabdhismeedka qaran ee ku qotoma xirfad iyo naqshado  bulshadu samaayntooda marba u igmato inta ay bidayaan ianay arintaa sii qaabayn iyo cilmiyayn karayaan.

 

Qalinkii

Aelmi

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 16 January 2014 15:18
Wednesday, 01 January 2014 12:40
Thursday, 20 March 2014 18:31
Friday, 09 May 2014 10:43
Saturday, 10 May 2014 10:09
Tuesday, 19 November 2013 17:23
Thursday, 03 April 2014 13:17
Saturday, 22 March 2014 11:17
Friday, 29 August 2014 19:18
Tuesday, 22 October 2013 11:49