BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Farriintii ay gudbinayeen filimaanta Musalsal-ka ahi oo fool-xumadoodii ka muuqatay Hargaysa.

qore_doolMarkasta oo ay tirada dadku sii badataba waxa hubaal ah in waxyeelladooduna la korodho; 

 

markasta oo ay isku soo dhawaadaan ama isa sii dhex galaan dad ku kala geddisan dhaqan ahaan 

 

iyo caqiida ahaanba waxaan muran iyo is-maan dhaaf midna ku jirin in ay isu tebiyaan kala 

 

qaataan dhaqannada ay kala qaataan ha xumaadeen ama aha samaadeenne. 

 

Markaad meelo badan oo kala geddisan ka eegto sooyaalka iyo geeddi socodkii iyo bilawgii 

 

nolosha Aadamaha waxaad ogaanaysaa arrimahaas aan kor ku soo sheegnay ee ay ka mid 

 

yihiin markasta oo tirade dadkku bataanba in dhibta iyo mashaakilaadkuba la sii badanayaa 

 

ka soo bilaw abuurkii nebiyulaahi Aadam; markii Rabbi abuuray nebi Aadan isaga oo ku nool 

 

jannada Eebbana ku yidhi “Cun oo cab waxkasta oo halkan ahaaday, marka laga reebo geedkaa” 

 

Geedkaas oo ahaa mid Rabbi cilmigiisa ugu diiday. 

 

Iblays baa nebiyulaahi Aadan ugu sheekeeyeey in haddii uu geedkaas cuno waarayo mulki 

 

boqornimana uu helayo. Markii Aabbaheen Aadan ku dhacay dabinkii iblayskana waakii Alle 

 

adduunyada u soo tuuray isaga iyo hooyadeen Xaawa. Iyada oo taasi ay jirto waakii Rabbi 

 

Aadan iyo Xaawa kala siiyay ubadkoodii ugu horeeyay ee ay ka mid ahaayeen Haabiil iyo 

 

Qaabiil. 

 

Waxaynu ku gudo jirnaa arrintii ahayd in markasta oo dadku bataanba ay dhibtu sii kordhayso’e, 

 

waa kii Haabiil dilay walaalkii Qaabiil; dilkaas oo noqday dhiiggii ugu horeeyay ee xaq-darro 

 

dhulka dushiisa loogu daadiyo.

 

Waxaan ognahay in markasta oo tirada dadku sii korodhaba ay mushkiladaha iyo dhibaatooyinku 

 

sii badnayeen; taas oo ay dadku gacmahooda ku kasbanayeen, markasta oo dadku bataanna 

 

dunuunta ayaa sii badanaysay iyada oo ay barbar socdaan ciqaabta Eebbe (S.W).

 

Aan eegno markasta oo dadka ku kala geddisan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ay isa sii 

 

dhexgalaan sida ay isugu tebiyaan una kala qaataan dhaqannada kala duwan ee ay kala wadataan.

 

Waxaynu ognahay hababkii ay u fidday diinteena suubban ee Islaamku in ay ka midtahay in rag 

 

rag iyo dumar muslimiin ahi ay la soo degeen ama yimaaddeen waddanno ay ku noolyihiin dad 

 

Asnaam caabuda iyo qaar aan diinba haysan; kadib markii ay dhaqankii iyo la noolaanshiyihii 

 

dadkii muslimiinta ahaa ee la soo degay in ay qaar badan oo dadkii waddanka loogu yimid 

 

ahaa ay qaateen diintii ay wateen dadkii dhulkooda ugu yimid markii ay arkeen wanaagga la 

 

macaamilkooda waddannadaas oo ay kamid yihiin qaar badan oo hadda ugu waaweyn dalalka 

 

Islaamka ah sida Malaysiya.

 

Aan eegno dhanka kale iyo sidii ay u saameeyeen dhaqannadii xumaa ee ay wateen dadkii yimid 

 

waddammada Soomaalida iyo kuwii kale ee Muslimiintu ku noolaayeen.

 

Sidee ayay Soomaalidu ku baratay cabidda sigaarka? Yayse ahaayeen kuwii ugu horeeyey?

 

 Waxay ka sheekeeyaan ama ka sheekeeyeen raggii askarta u ahaa gumaystihii Ingiriiska 

 

ee geyigan haysan jiray, marka ay saraakiisha Ingiriis ay cabbaan sigaarka, waxay halka ay 

 

fadhiyeen ama joogeen kaga tegi jireen baakidhka ama daasadda uu ugu jiray sigaarku si ay uga 

 

daba qaataan ciidanka Soomaalida ah ee ku sugan xeradu si ay u bartaan cabbidda sigaarka si uu 

 

u yeesho saylad dhaqaale oo hadhaw maaliyadi ka soo gasho dawladda Biritish-ka.

 

 Sidoo kale markii ay dawladdihii ugu horeeyay ee Soomaalidu samaysmeen, waxa 

 

saraakiisha soomaalida loo diri jiray waddanka Ruushka ee Midawgii Soofiyeeti, si ay 

 

aqoon korodhsi la xidhiidha shaqadooda ugu soo qaataan dalkaas Ruushka; Raggaas la diray 

 

badankoodu waxay soo noqon jireen iyaga oo khamriga caba, marka la weyddiiyana waxay 

 

odhon jireen “Meeshaas aannu aadnay, waxay ahayd meel aad u qabaw; sidaa awgeed ana oo 

 

diirimaad iyo dhaxan duulin ka eegayna ayaannu isku kululayn jirnay” halka qaarkoodna ay ka 

 

soo laaban jireen iyaga oon balwaddaas qariban lahayn.

 

 Aan u soo noqdo abaarya iyo ujeedada odhaahdayda kor ku xusan ee ah Filimaanta 

 

Musalsal-ka ah iyo saamaynta ay ku keenneen bulshadeena eegga ee aadka u daawata; 

 

waxa marag-ma-doon ah in ay iska caddahay haddaan indhaha laga qarsanayn wax-yeellada 

 

aflaamtaasi; kuwaas oo badi ka hadli arrimo la xidhiidha qoyska iyo dhaqan-xumo dhexdiisa ka 

 

alloosanta sida: Gabadha la qabo oo nin keeda khiyaamaysa, gabadh laba nin isku wadda, 

 

gabadh xaasleh oo nin kale la socota, hantida ninkeedana nin kale ku gunnaynaysa, nin 

 

gabadh la qabo gaabsi (Sino) ka doonaya, qof shirqool lagu dilo, mid la sumeeyo iyo in kale 

 

oo la fawaaxish iyo fool-xumo-dhagareed ah.

 

Waxa indhawaaleba laga maqlayay magaalada Hargsya inta kale ee aafada Filimaantana ay ku 

 

fidayba waxyaabo aan dhaqan ahaan, diin ahaan, dabeecad ahaan iyo dadnimo ahaan midna u 

 

habboonayn.

 

 

 

Waxaan ku soo af-meerayaa odhaahdayda haddii aanay dadka iyo dawladdu iyaga oo ilaalinaya 

 

jiritaankooda aanay meel uga soo wada jeedsan waxyaabahan aafada umadeed ah ee ka socda 

 

geyigeenna ee xumaantii lala xishoon jiray caadiga ka dhigay in ay inagu iman karto is-waa iyo 

 

dhalan rogad ballaadhan oo dhaqan doorsoon ah. 

 

Waxay filimaantani wax iska caadiya ka dhigeen is-dhexgalkii dadkii kala caaganaa, waxaanay 

 

gooyeen dabar adag oo dhaqnka soomaalidu lahaa sida; soddohda iyo inankii inanteeda qabay 

 

ee xilka isku lahaa oo cay iyo af-xumo is-dhaafsanaya, soddoggii iyo soddohdii oo si aad u 

 

qariban u wada hadlaya, soddog inantii inankiisu qabay damac guur iyo hunguri ka galayo oo 

 

la haasaawaya iyo waxyaabo kale oo xataa damiirkaaga qofnimo diidayo; waxyaabahaas ayaad 

 

arkaysaa iyada oo ay aad u daawanayaan, ku xisaabtamayaan una beretamayaan hablo aan qaan-

gaadhin oo da’adoodu aad u yartahay; kuwaas oo marka ay arkaan waxan ay hooyooyinkoodba 

 

la daawanayaan in ay yihiin wax iska caadiya; kasii darane waxa loogu turjumay af ay wada 

 

fahmi karaan.

 

Guntii iyo gebagebadii qoraalkaygan waxaan ku soo gunaanadayaa haddii aynu doonayno qaran 

 

hufan oo hagaagsan, waa in aynu helnaa qoys habboon oo hanuunsan. 

 

Marka qoyska hoos laga dhisaa, qaran hagaagaagye

 

Haddii meel saruun laga qabsado, waa qalfoof madhane

 

Dadkuna qaabaddaasoo kaluu, qayb ku leeyahay 

 

Qacda hore haddaan ubadka kaca, qayrka lagu leexin

 

Hadhaw baan la soo qaban karayn, qaladkay gaystaan

 

Ayaasiin55@hotmail.com

 

Qalinkii Axmed-Yaasiin C. Raxmaan Axmed (Dool)

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 13 March 2014 00:32
Sunday, 29 December 2013 02:01
Wednesday, 07 August 2013 16:49
Thursday, 20 February 2014 10:42
Thursday, 03 April 2014 13:29
Wednesday, 08 January 2014 13:02
Friday, 17 January 2014 01:34
Sunday, 02 February 2014 22:42
Monday, 16 September 2013 23:47
Sunday, 09 February 2014 09:24