BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Golaha Macallimiinta Qaranka Oo Eedo Is-weydaarsaday

Maqaal1Gudoomiyaha Xafiiska Imitixaanaadka Somaliland Daa,uud Axmed Faarax oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews wax ka weydiisey arintaasi islamarkaana, ka jawaabayey cabashooyinka iyo buuqa ka dhashey, Maamulayaasha iyo Macalimiin badan oo laga been abuurey
Dadka ku kacaya falalka noocan ah ee Macalimiinta iyo Maamulayaasha Dugsiyada iyo Ardeydaba lagaga been sheegayo, Wasaaradauna talaabo ayay kolay ka qaadi dontaa, waana wax ka reeban Anshaxa Waxbarashada iyo aqoonta iyo Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliintaba been abuurka noocan oo kale ah"Ayuu yidhi Daa,uud Axmed Faarax Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Somaliland.
 
Waxaanu uga digay Macalimiinta iyo Maamulayaasha Dugsiyadaba Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Somaliland Daa,uud Axmed Faarax in aanay cadho badan sameynin haseyeeshee, ay cida been abuurka ka sameysey sharciga dalka iyo ka Wasaarada la beegsadaan, oo aanay talaabo kale qaadin.
 
Dhinaca kale Macalimiin iyo Maamulayaal  tiro badan ayaa beeniyay, in aanay waxba ka jirin been abuurka laga faafiyay, islamarkaana, aanay ka
warheynin ama aanay ogeynin wax Gole Macaliminiin ah oo dalka kajira, Waxaana arintan dagaal adag ka xiga Macalinka Maxamed-Soomaali oo laga been abuurey iyo Macalimiin iyo Maamulayaal badan oo aanu goordhow idiin soo gudbin doono Magacyadooda.
 Dhinaca kale Masuul ku hadlay Afka Golaha Macallimiinta Qaranka ayaa si adag ugu jawaabay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md Daauud Axmed Faarax waxaanu yidhi waxaanu yidhi isaga oo u warramaya weriye ka tirsan mareegta Caalamiga ah ee Somalilandtoday “Daauud, waxaanu kuugu baaqaynnaa in aad ku ekaato Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee ku caanka ah eexda iyo kala jeclaysiga dugsiyada. Ma tihid Af-hayeenka Wasaaradda Waxbarasha. Ururkani waa mid aanu xaq u leennahay sida ay dhakhaatiirta, saxafiyiinta iyo garyaqaannaduba ururrada u leeyihiin ayaan xaq ugu leennahay samaysiga Golahan.. Cidna kama baryaynno”.
Masuulkan oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa yidhi “Golahani waxa uu ku jiraa marxalladii tabaabushaha. Nama cabudhin karo ninkan imtixaanaadka aad mooddo in uu dhaxalka ku helay. Xuquuqda aanu leennahay cidnaba uga tanaasuli maynno” Waxaanu ka gaabsaday in magaciisa la sheego

Saeed Mohamoud Gahair

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 30 March 2014 21:23
Monday, 05 August 2013 19:33
Tuesday, 08 July 2014 11:04
Friday, 30 May 2014 01:56
Thursday, 20 March 2014 21:46
Friday, 11 April 2014 14:40
Wednesday, 23 April 2014 02:51
Sunday, 10 November 2013 23:49
Monday, 30 June 2014 16:13
Monday, 09 December 2013 14:11