BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Jawaab : Sooyaalka Shakhsigii U Horreeyay Soomaalida Ee Aasaasay Urur Samafal Oo Ka Shaqeeya Baahiyaha Bani’aadam​ka Soomaaliye​ed.

mAQAAL1Waxaan maalmahan mareegaha ka dheehday warbixin dheer oo ku saabsan 

 

“Sooyaalkii shakhsigii ugu horeeyay Soomaalida ee aasaasaey Urur Samafal oo ka 

 

shaqeeya baahiyaha bani’aadamka Soomaaliyeed (NGO)’’, kadibna waxaan qalinka 

 

uqaatey inaan ka jawaabo maqaalkaas, waana markii ugu horeysay ee aan qoraal 

 

sameeyo.

 

Qoraagu waxaa uu sheegay inuu shakhsigii ugu horeeyay ee sameeya urur samafala 

 

oo aan dawli ahayn uu ahaa Mr Mohamed Megane (Xamaal) uuna sameeyay ururkii 

 

la oran jirey GUUS oo la aasaasey sanadku markuu ahaa 1984. Qoraaga Waxaan 

 

rabaa inaan brief yar ka siiyo taariikhdii ururada aan dawliga ahayn ee Soomaaliya ka 

 

aasaasmey sanadihii sideedanaatkii.

 

Sanadku markuu ahaa 1980s ayaa waxaa Muqdisho laga sameeyay ururadii ugu 

 

horeeyay ee ay Soomaali yeelato waxayna kala ahaayeen DARYEEL, HAQABTIR, AL 

 

MUNTADI iyo ADAMIGA (women). Mudo yar kadib ururadii maxaliga ahaa way isku 

 

yimaadeen waxayna samaysteen dalad magaceeda la oran jirey COSVADA (Council 

 

of Somali Voluntary Development Agencies). Hadaba qoraha waxaan u sheegayaa in 

 

GUUS laga sameeyay magaalada Boorama ayna sameeyaan group uu Mr. Mohamed 

 

Megane (Xamaal) ka mid ahaa, laakiin ururadaas aan kor ku soo sheegnay lagaga 

 

dhawaaqey magaalada Muqdisho, shakhsiga la oran karona waa aabihii ama aasaasihii 

 

ururada aan dawliga ahayn uu ahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Mohamed Sheekh 

 

Abdillahi Horri oo xiligaas ahaa aasaasihii urukii la oran Jirey DARYEEL ayna wada 

 

sameeyeen aqoonyahano kale, hamigiisa urur sameyntuna uu ka horeeyay xiliyadan 

 

aan korka ku soo xusney oo dhan.

 

Allah ha u naxariistee Marxuum Mohamed Sheekh Abdillahi Horri lama koobi karayo 

 

track recordkiisii inuu ahaa aabihii ururada aan dawliga ahayn ee ka hana qaadey 

 

wadankii la oran jirey Soomaaliya, kadib dagaalkii Somalia iyo Ethiopia 1977 markuu 

 

dhamaadey. Marxuumku iyo asxaabtiisii waxay aasaasen ururradii ugu horeeyay ee 

 

Soomaali yeelato oo la oran jirey DARYEEL wuxuuna ka ahaa Technical Director ilaa ay 

 

dagaaladii sokeeye ka dhaceen Muqdisho, dabadeed wuxuu marxuumku u soo guuray 

 

magaalada Hargeisa 1991 – 1995 wuxuu ku biirey ururkii caanka ahaa ee la oran jirey 

 

SORRA (Somali Releif & Rehabilitation Association) Marxuumka waayo-aragnimadii uu u 

 

lahaa ururada maxaliga ah ayaa isagoo kaashanaya saaxiibkiis Dr Adan Yusuf Abokor 

 

waxay qabteen shaqooyin aad u wanaagsan oo aan la soo koobi karayn. Sanadku 

 

markuu ahaa 1995 ayuu Marxuumku u soo wareegay magaalada Borama oo uu ka 

 

aasaasey ururkii ugu waxqabadka badnaa gobolada galbeed ee la yiraahdo ARDA 

 

(Awdal Rehabilitation & Development Association) isaga iyo saaxiibkiis Muse Ahmed 

 

Omar (Muse Madobe), wuxuuna ka noqday Executive Director. Mudo yar kadib dadaal 

 

iyo hawl badan oo uu si niyad ah u galiyey ayaa waxaa uu sameeyay ama abuurey urur 

 

ay ku midoobaan ururada ka shaqeeya gobolada galbeedka Somaliland oo la yiraahdo 

 

AAIN Umbrella (Awdal Association Indigenous NGOs) waxaana la sameeyay sanadku 

 

markuu ahaa 1996. Ururada ku jirey aad bay u badnaayeen waxaa ka mid ahaa ARDA, 

 

BAT, AWSG, KAALMO, SOSVO, SARURA, GUUS iyo ururo kale oo badan.

 

Marxuumka taariikhdiisa ma soo koobi karayo waxaanan maqaaladayda danbe kaga 

 

warami doonaa si hufan taariikhdiisii, shaqooyinkii iyo hawlakarnimadiisii, intaas waxaa 

 

ii dheer anoo soo waraystey aqoonyahano badan oo ay soo wada shaqeeyeen aadna 

 

isugu dhawaayeen Marxuumka oo ay ka mid yihiin Dr. Adan Yusuf Abokor, Mr. Muse 

 

Ahmed Omar (Muse Madobe), Sh. Saleban Omar, Mr. Ismail Mumin Aare iyo Mr. Ismail 

 

Muse

 

Wa Billahi Towfiiq

 

Ali A Warfaa

 

Vancouver

 

Email : ali.warf02@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 20 October 2013 00:49
Monday, 11 November 2013 05:21
Friday, 13 December 2013 01:26
Thursday, 05 June 2014 04:38
Wednesday, 09 October 2013 22:46
Tuesday, 05 November 2013 13:17
Friday, 25 April 2014 12:41
Saturday, 19 October 2013 12:55
Tuesday, 08 October 2013 21:16
Sunday, 09 March 2014 00:19