bnn

DHAGAYSO +WARBIXIN : FAAH FAAHIN : Dagaal Ay Iskaga Hor Yimaadeen Maleeshiyaad iyo Ciidamada Dawlada Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Marka iyo Khasaare uu Sobobay +DHAGAYSO

magaalada_marka_dagaal22-03-2013 Marko (Bnn) Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa dagaal maanta ka dhacay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabelada Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee Magaalada Marka Cabdi Salaan Max’ed ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyey ciidamo maleeshiyo ah oo dhawaan la sheegay in la qarameynayo iyo ciidamo uu watay taliyaha ururka 5aad ee Gobolka Shabelada Hoose, isagoona tilmaamay in maleeshiyaadka oo ku sugnaa kontorool Magaalada dhexdeeda ah ay rasaas aan sabab la heyn ku rideen ciidamado uu watay taliyaha, rasaastaasi oo haleeshay taliyaha ayaa sababtay in iska hor imaad toos ah uu dhex maro ciidamadii uu watay taliyaha iyo maleeshiyaadka.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayaa la xaqiijiyey in uu gaarayo dhaawaca 4 ruux oo dhamaantood ahaa ciidamadii dagaalamay, ayadoona uu qeyb ka yahay dadka dhaawacmay taliyaha ururka 5aad ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Iska hor imaad dhex mara ciidamo ka tirsan dawlada iyo maleeshiyo la qarameynayay oo deegaanka ah ayaanan aheyn arin cusub, hasa yeeshe iska hor imaadkani ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ka dhaca gudaha

Magaalada Marka tan iyo markii ayay gacan ku heynteeda la wareegeen ciidamada dowlada federaalka ee Soomaaliya.

Ahmed Ali
Boramanews
Muqdisho Office


JavaScript is disabled!
To display this content, you need a JavaScript capable browser.


Mobile Ka Dhagyso Hoos

" a="">




Joomla