Kulmiye ma wuxuu soo nooleeyey Qabyaalad mise waxa uu nooleeyey Qaranimo ?

kulmiye2Waxaan halkan salaanta Islaamka usoo marinayaa dhamaan shacabka reer Somaliland iyo bahda wargeysyada maxaliga ah, runtii inta aanan ka jawaabin su,aasha oo cinwaanka uga dhiqay maqaalkan kooban, waxaan jeclahay in aan idin xasuusiyo in aynu nahay umad Muslimiin ah , waxyaabaha ay shareecadeenu la dagaalanto ama diido ay ka mid tahay Qabyaalada, runtii waxaynu ka dheregsanahay in qabiil iyo qabyaalad kala duwan yihii.
 
Qabiil waynu ka dhalanay , ma doorano oo cidna ma go,aamin karto qabiilka ay ka dhalatay, waa shay Rabbi gacantiisa ku jirta, waxaana laynoo jideeyey in aynu isku kala garano, waa xigmad illaahay dirtiisa iyo adoomadiisa ku kala saaro, isku guursadaan, isku dhaxlaan,ku gartaan faracooda waana waxtar illaahay uu ilma-Aadan uu siiyey. Waxaa hadaba inaga reeban Qabyaalada oo ah in lays dir sooco, laysku garbiyo , laysku laayo, lays jidh diido , laysugu eexdo, reeraha qaarkood isu arkaan in ay kuwa kale ka sareeyaan, ama tiro ay ka badan yihiin ku maquuniyaan.
 

Faallo:Madaxweyne Xoriyatul Qawlka Maad Kobcin Ee Waad Dabar-Gooysay Ee Gef Ha Ugu Darin.

siilaanyo01Madaxweynaha somaliland axmed maxamed siilaanyo ayaa dhowaan mar uu ka hadlaayey shir weynihii xisbul-xaakimka kulmiye hadal uu ka jeediyey waxaa uu wax-qabadkiisi dhalanteedka ahaa ee ku faanaayey ku darsaday,inuu dhiiri geliyey xoriyatul qawlka isaago xusay madaxweynuhu wax yaabo kale oo ay qabatay xukuumadda uu hoggaamiyo.oo ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxbarashadda iyo amuuro kale oo ku taxaaluqqa.Hadaba waxaa ay bulshada somaliland oo ka faa”iidaysanaysaa hadalkaas uu jeediyey madaxweynuhu oo ay faallo ulaa dhaqaaqeen waxaay si isku mid ah uu dul-istaaggeen hadalka madaxweynaha oo ay ku jirtay inuu u hir-geliyey sidii ay uu hana-qaadi lahayd xoriyada iyo madax-banaanida saxaafadda dalka oo aynu hadda og-nahay halka ay marayso waxaanay bulshada is wey-diinaysaa miyaanu madaxweynuhu ogeyn in saddeex sanno oo u madaxweyne ka ahaa dalka iyo labaatan sanno oo ay jirta somaliland in aanay dhicin sidii uu ulaa dagaalamay madax-banaanida saxaafadda iyo xoriyada hadalka inuu isaagu ka tacadi badnaa oo u sadeexdaas sanno ay isku fuuq-satay tacadiga loo geystay bahdaa warbaahinta oo in ka badan saddex boqol oo saxafi xabisga lagu guray,halka al-baabada loo laabay xaruumo warbaahineed,iyaado lo raaciyey in la saaro xayiraaddo sharci darro mah taaso la xidhiidha dabar-goynta saxaafadda dalka oo  iyaado door weyn ka qaadataa horumarka wadanka iyo kobcinta garaadka bulshada sidoo kaleenna heeggan ugu jirta sidii uu wadanku aqoonsi buuxa uu heli laha waxaa kale oo ay ka difaacda cadowga ay leedahay somaliland .
 

fariin ku socota qof kasta oo islaam ah by walaalkiin islaam ah

Maqaal1Walaalayaal inta  badan meelahan oo kale  waxaa looga bartey  in lagu qoro maqaalo kala duwan 

laakiin maanta  waxaan idiin soo bandhigayaa  arin taas aad uugu duwan  waana sidan

 

waxaan  rabaa qof kasta oo warqadan akhirsan doona inuu i siiyo talo iyo tilmaan ilaahey dartii

 
 

Silaanyo kama xishoodo wuxuu M. Siyaad bare ka xishoon jirey by Abdi Mustafe

Siilaanyo-siyaad_bare

Maxaa magaalo walba shicib aan hubeys neyn xabad loola dhacayaa?

Mohamed Ibrahim Egal muxuu xuskiisa Silaanyo uuga xunyey?

Maxay Silaayo iyo siyaad Barre iska shabahaan?

Bashe Cawil ( Morgan ) xilka uu Somaliland u hayaa muxuu yahay?

Maxaa qandaraas yada qolo qudha loo siiyaa?

Maxaa Jamaal Cali Hussein Gabiley dowladu uugu diidey?

 

Hambalyo Madaxda xisbiga kulmiye By Samia Ismail

 SamiaAnigoo ku hadlaya magacayga, ka Guddiga Kulmiye ee W/Ameerika, iyo ka dhamaan tageerayashaba. Waxaan hambalyo kal iyo laaba u soo dirayaa hogaanka Xisbiga Kulmiye ee mar kale ku guulaystay taladii xusbul xaakimka Kulmiye. Illaahayna  waxaanu uga baryaynaa inuu u fududeeyo hawshaa culus ee ay mar labaad dhabarka u riteen.
 
 

Page 21 of 68

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 10 August 2013 17:04
Monday, 18 August 2014 09:06
Tuesday, 05 November 2013 03:31
Saturday, 21 September 2013 22:39
Thursday, 22 August 2013 15:04
Thursday, 26 June 2014 01:53
Saturday, 26 October 2013 05:02
Monday, 26 May 2014 11:32
Saturday, 04 January 2014 17:21
Thursday, 05 December 2013 22:35