Tuesday, 11 September 2018 17:14

DAAWO: Dawladaha Ruuska Iyo Shiinaha Oo Si Wada Jir Ah U Samaynaya Dhoolatuskii Ugu Balaadhnaa Oo Socon Doona Maalmo Badan + Tirada Ciidamad Qayb Qaadanaya

11/09/2018(BNN) Dawladda Ruushka ayaa dhoolatus milatari oo wayn maanta ka billaabaysa bariga Seerbiya.

Dhoolatuskan ayaa socon doona shan maalmood waxaana ka qaybqaadan doona 300,000 oo askri, waxaa kale oo lagu soo bandhigi doonaa waxyaabihii dhoolatusyada lagu soo bandhigi jiray xilliyadii Sovietku talinayay.

Dawladda Shiinaha ayaa dhoolatuska "Vostok-2018" ka qayb galinaysa 3,200 oo askari oo wata gawaari qafilan iyo diyaaradaha dagaalka. Mongolia ayaa sidoo kale cutubyo u diraysa.

Dhoolatuskii u dambeeyay ee baaxaddan leh wuxuu dhacay 1981-dii markaas oo uu socday dagaalkii qaboobaa balse dhoolatuskan Vostok-2018 ayaa ka askar badan.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree