ABDUU

Wednesday, 12 September 2018 10:09

Baarlamaanka Maamulka Galmudug Oo Maanta Dhegaysanaya Mooshin Ka Dhan Ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Dhawan Taageero Xoogan U Muujiyay Dawlada Fadaraalka Somaliya

12/09/2018(BNN) Baalamaanka Maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaaalada Dhuusamareeb ayaa maanta dhegeysanaya mooshin ka dhan ah guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi Cali Gacal Casir.

Xildhibaannada Mooshinka ka gudbiyay Cali Casir ayaa ku eedeeyay in uusan gudaneyn shaqadiisa waxaana ay sheegeen in uu 3 bilood ku maqanyhay Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa waxaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye ku xigeenka 2aad Xareed Cali Xareed.

Xildhibaannada mooshinka shalay gudbiyay ayaa sheegay in ay tiradoodu gaareyso 89 xubnood islamarkaana heystaan cod ku filan oo ay xilka uga qaadi karaan.

Cali Gacal Casir ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinka isaga ka dhanka ah,waxaa kale oo uu sheegay in XIldhibaannada isaga mooshhinka ka keenay aysan sharci ku joogin Dhuusamareeb.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree