Wednesday, 12 September 2018 10:26

Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Oo Shaaciyay In Uu Hakiyay Xidhiidhkii Uu La Lahaa Dawlada Fadaraalka Somaliya Kadib Markii Ay Madaxda Maamul Goboleedyady Ku Shireen Kismaayo

12/09/2018(BNN) Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegtay iyada oo tixraaceysa shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay Sabtidii ina dhaaftay inay hakisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay magaalada Baydhabo kulan deg deg ah oo waqtigiisa laga soo hormariyay ay ku yeesheen golaha wasiirada maamulkaasi, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Koonfur Galbeed ayaa dhammaan shaqaalaha wasaaradaheeda ku wargelisay in aysan wax wada shaqeyn ah la sameyn karin dowladda federaalka Soomaaliya ilaa amar dambe.

kon

 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree