Wednesday, 12 September 2018 10:38

Siyaasi Faarax Macalin Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargaysa Iyo Kualan La Sheegay In Uu Maanta La Qaadanayo Madaxwayne Muuse Biixi

12/09/2018(BNN) Siyaasiga Faarax Macalin oo mar soo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Kenya dalka Kenya ayaa maalintii shalay aheyd soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasiamda Somaliland

Faarax Macalin oo ka yimid dhinaca magaalada Jig jiga ee caasimada maamulka Somalida Itoobiya oo uu maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Somaliland

Sidoo kale Farax Macalin ayaa waxaa uu maanta uu kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeelan doona Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi sida ay wararku sheegayaan

Dhinaca kale Siyaasigan ayaa la filaya in uu isla maantauu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree