ABDUU

Wednesday, 12 September 2018 17:13

Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Xal U Raadinaya Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Maamul Goboleedyada Iyo Dawlada Fadaraalka Somaliya

12/09/2018(BNN) Golaha Aqalka Sare ee Maamul goboleedyada ayaa wafdi xal doon ah u diraya deegaanada maamul goboleedyada, si ay ugu kuur galaan xaalada siyaasadeed, amni, nololeed iyo midda Federaaleynta, si xal looga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.


Kulan uu maanta isugu yimid Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in wafuud loo dirayo dhammaan deegaanada maamul goboleedyada, si ay warbixin dhab ah uga keenaan, sidoo kale waxaa baaq ay u direen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

War saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa baaq loogu diray dhinacyada ku lugta leh sameynta iyo soo jeedinta mooshinada ka dhanka ah madaxda maamulada inay si deg deg ah u joojiyaan, si fursad loo siiyo dadaalada xaldoonka ah ee Aqalka Sare ku raadinayo xasillooni Siyaasadeed iyo is faham guud.

 aqalk

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree