ABDUU

Wednesday, 12 September 2018 17:25

Madaxwaynaha Dawlada Eritrea Oo Maanta Ka Qayb Galaya Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD Oo Aanu Ka Qayn Galin In Mudo Ah

12/09/2018(BNN) Eritrea ayaa hadda umuuqata in ay soo ceshaneyso xubin-nimadii Urur gobolleedka IGAD, iyadoo maantamadaxweyne Isaias Afwerki uu ka soo muuqan doono shirka Ururkan uga furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirka ayaa sidoo kala lagu wadaa in lagu ansixiyo si rasmi ah xubin-nimada Eritrea iyadoo dhanka kalana lagu gurfeyn doono isbadalka iyo dadaallada nabadeed ee guud ahaanba ka socda wadamada Geeska Africa.

Tallaabadii ugu danbeysay ee lagu dhameynayo colaadda Itoobiya iyo Eritrea ayeey labada hoggaamiye waxaa ay ku guuleysteen maalintii shalay in ay si rasmi ah isugu furan xadka labada dowladdood ay wadaagaan si dib loogu soo celiyo isku socodkii labada dhinaca.

Dowladda Eritrea ayaa laga saaray xubinimada urur Goboleedka IGAD Sanadkii 2007-dii, wixii waqtigaa ka danbeeyay-na waxaa ay u muuqatay mid go’doon kaga jirta aduunka intiisa kale.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree