Thursday, 13 September 2018 08:50

Boobkii Loo Gaystay Ganacsada Soomaaliyeed Ee Ku Nool Dalka Koonfur Africa Oo Saamayn Xoogan Ku Yeelatay Dadka Rayidka Ah Ee Ku Nool Dalkaasi

13/09/2018(BNN) Dalka Koofur Afrika waxaa sare u kacay qiimaha Raashinka iyo Lacaha Taleefannada lagu shubto ee ku hadalka ah kaddib markii Ganacsatada Ajaanibta ah Dukaamadoodii la boobay intii kalena la xidhay.

Dadka Rayidka ah ayaa hadda ka cabanaya in Ganacsatada u dhashay Dalka Koofur Afrika oo ka faa’ideysanaya maqnaanshaha Ganacsatada Ajanabiga ah ay sare u qaadeen Qiimaha adeegyada iyo Raashinka.

Dadka degaanka Gauteng, ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in qiimaha Rootiga iyo noocyada kale ee Cuntada aad loo qaaliyeeyay Ganacsatada degaanka ahna ay ka faa’ideysanayaan maqnaanshaha kuwa Ajannabiga ah.

Ganacsatada Ajannabiga ah ee dilka iyo Boobka Hantida la isugu daray waxaa ay u kala dhasheen Waddamada Soomaaliya,Itoobiya,Bangaladesh,Pakistan, China iyo kuwo kale.

Waxaa ay ku hanjabeen in ay mudaharaad ka dhan ah qiima kaca ka sameyn doonaan Magaalada haddii aan wax laga qaban sicir bararka ka jira degaankooda.

Laba Todobaad ka hor ayey ahayd markii rabshado xoog leh oo ka dhacay Koofur Afrika lagu dilay dad u dhashay dalkaas iyo dadka Ajaanibta ah,waxaana inta badan Waddamada ay ka soo jeedaan dadka Ajaanibta ah dowladda Koofur Afrika kala hadleen wax ka qabashada dhibaatada lagu hayo muwaaddiniintooda.

Ganacsatada Koofur Afrikaanka ah ayaa diiddan wali in Ganacsatada ajannabiga ah ay ku laabtaan degaannadooda si ay halkaas dib uga billaabaan Ganacsigooda.

Hayeeshee dad Soomaaliyeed ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatada lagu hayo Soomaalida Koofur Afrika.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree