ABDUU

Thursday, 13 September 2018 14:03

Madaxwaynihii Hore Ee Dawlada Degaanka Somalida Cabdi Ilay Oo Maanta Maxkamada Lagu Soo Taagayo Magaalada Adis Ababa

13/09/2018(BNN) Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in maanta maxkamad la soo taagayo madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaalinta qaranka dalka Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud waxa ay ku soo oogayaan kiis dacwadeedka ka yaalla maxkamadda oo ay ka mid yihiin gabood fal iyo arrimo kale oo la xiriira barakicinta dad shacab ah.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareenada difaacaya waxa ay sheegayaan inay diyaar u yihiin in kiiska xeer ilaalinta ay ku soo oogeyso ay ka difaacaan.

Ehelada Cabdi Maxamuud ayaa waxa ay sheegeen inay wax wanaagsan ka rajeynayaan maxkamadynta maanta la filayo inay ku dhacdo wiilkooda iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree