Thursday, 13 September 2018 14:08

Deg Deg: Baarlamaanka Maamulka Galmudug Oo Mooshin Xilkii Kagaga Xayuubiyay Gudoomiyihii Baarlamaanka Ee Maamulka Galmudug Oo Dhawaan Taageeray Dawlada Fadaraalka

13/09/2018(BNN) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimada Galmudug, ayaa sheegaya in baarlamaanka Galmudug ay xilka ka qaadeen Gudoomiyohooda Cali gacal Casir.

Kulanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Xareed Cali Xareed, waxaa soo xaadirtay 147 Xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Galmudug, iyadoo cod gacan taag ah loogu qaaday mooshinka oo maalmahanba doodiisa ay socotay.

146 Xildhibaan ayaa la soo sheegayaa iney “Haa” ugu codeeyeen mooshinka, halka hal Xildhibaanna uu ka amausay, Xareed Cali Xareed ayaa ugu dnabeyn ku dhawaaqay in mooshinka Ansax yahay, Xilkana si rasmi ah looga qaaday Cali gacal Casir.

Si Kastaba, Arintan waxey cirka sii galineysaa khilaafka u dhexeeya Hogaanka sare ee Galmudug taasoo soo jiitamayay tan iyo markii heshiiska lala soo galay Ahlu-Suna, xubno kuwooda ahna lagu soo daray Baarlamaanka.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree