Friday, 14 September 2018 11:40

Ciidamada Dalka Turkiga Oo Ku Sii Qulqulaya Magaalada Idlib Ee Dalka Suuriya Xili Ay Ciidamada Suuriyana Isku Diyaarinayaan Duulaan Xoogan Oo Ay Ku Soo Qaadayaan Magaaladaasi

14/09/2018(BNN) Ciidamada dalka Turkey-ga ayaa ilaa hadda kusii socda magaaladda Idlib ee wadanka Suuriya, iyaga oo isu diyaarinaaya dagaalo ay ku qaadaan magaaladdaasi, waxaana magaaladda ku sugan kooxo kala duwan oo hubaysan.

Waxa iyaguna magaaladda Waqtigan kaabiga u saaran ciidamada dawladda Suuriya, kuwaas oo dhinacoodana isu diyaarinaaya weerar ay ku qaadaan magaaladdaasi, waxaana la arkayaa ciidamada Suuriya iyo kuwa Turkey-ga oo mid waliba dhinaciisa ka diyaar garoobaayo iyo gawaadhida ciidamada oo wadooyinka magaaladda soo gala maraaya.

Qaramada Midoobay iyo ururadda Xuquuqda aadamaha ka shaqeeya ayaa ka digaaya dagaalo magaaladdasi ka dhaca, iyaga oo sheegaaya in dad badani ay ku waxyeeloobi doonaan dagaalo hadii ay magaaladdan ka dhacaan.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree