ABDUU

Friday, 14 September 2018 15:31

Afhayeenka Jabhada ONLF Caddaani Hiirmooge Oo Ka Warbixiyay Halka Uu Ku Dambeeyay Wada Hadaladii Uu Ururka ONFL La Waday Dawlada Itoobiya

14/09/2018(BNN) Wadahadalladii u dhaxeeyay Jabhadda ONLF iyo dalka Itoobiya ayaa meel wanaagsan maraya, sida uu  sheegay Caddaani Hiirmooge oo ah afhayeenka Jabhadda.

“Waxaan isku afgaranay in aan galno wadahadallo ay daacad ka yihiin anaguna aan daacad ka nahay, isla markaasna laga hadlo waxa ay dadka Soomaaliyeed tabanayeen, ay u dagaalamayeen ee ay ku diidanaayeen Itoobiya,” ayuu yiri Caddaani.

Isaga oo waraysi dheer siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayuu afhayeenku sheegay in laga soo gudbay caqabaddii wakhtiga dheer hortaagnayd wadahadallada ee aqbalidda dastuurka ku saabsanayd.

Dawladdu waxay ogoshahay in dastuurka dib loogu noqdo, qodobka aayo ka talinta, qodobka awood qaybsiga, qodobka xuquuqda dhulka, qodobka faderaalka iyo awooddiisa, qodobka gobollada iyo awooddooda, marka qodobbo badan baa dib u eegid lagu samaynayaa, jabhadihii dagaalamayayna in ay ka qaybqaadanayaan bay sheegeen. ayuu yidhi Caddaani.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree