ABDUU

Friday, 14 September 2018 16:50

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Gudbisay Jawaabitii Muranka Dhanka Bada Ee Kala Dhexeeyay Dalka Kenya Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Ka Hadlay

14/09/2018(BNN) Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay gudbisay Jawaabihii laga sugaayay ee ku aadan dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya.

Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay dhammaan Jawaabihii laga rabay , Maadaama Maxkamadda Caalamiga ah ay Aqbashay in ay qaadayso Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa uu sheegay in hadda uu bilowday waji cusub oo ah in Soomaaliya iyo Kenya Cidwalba waxa ay ku doodayso in ay keento Cadeyntooda, maadaama hadda loo gudbay sheegashada lahaansha.

Waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo, si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal.

Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya in marar badan ay ka baaqsatay inay ka qeyb gasho wadahadallo labo geesood ah oo looga xaajoon lahaa xallinta muranka labada dal.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree