Wednesday, 10 October 2018 10:22

Deg Deg: Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeele Oo Ka Digay Shir Ay Madaxda Maamul Goboleedyadu Iskugu Imanayaan Garoowe Kuna Tilmaamay Sharci Daro

10/10/2018(BNN) Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aanu sharci aheyn shir maamulkiisa ka maqan yahay inay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Garowe.

Waare ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka kooban yahay shan maamul, isagoo xusay in aanu sharci aheyn go’aan ama talo ay gaar u gaaraan afar maamul

“Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada wuxuu ka kooban yahay shan maamul, haddii talo afar gooni u gaarto Golaha Iskaashiga ma ahan, annaga sharciyada iyo jadwalka noo yaalo iyo wax aan ku balanay waa in aan dhammaanteen wax isku raacno”ayuu yidhi Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in nasiib darro ay mowqifkooda ka gedi waayeen Golaha Iskaashiga, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ku raaci waayaan, balse aanay xaq u laheyn inay go’aan ka maqan tahay Hirshabeelle.

Waxaa uu soo hadal qaaday shirka ka dhacay Nairobi oo uu xusay in aanay matalaad ku laheyn Hirshabeelle, isla markaana aanay ka warqabin waxa lagu wado magaca Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

“Xaq ayaad u leedihiin in maamuladiina aad go’aan u gaadhiin, laakiin talo kuma biirin kartaan anagoo ka maqan Hirshabeelle wax danaheeda ah, wixii wanaag ee la rabo waa soo bixi doonaan, shirka Nairobi wax matalaad kuma lihin, mana ka warqabin”ayuu yidhi Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa bishii horay ka baxay go’aankii maamul goboleedyada ka soo saareen Shirka Kismaayo, kaasoo ay xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka, waxaana uu dhankiisa heshiis la gaadhay dowladda Federaalka, hase ahaatee Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ayaa sheegay in aanay quseyn heshiiskaas.

 

Xafiiska wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree