Wednesday, 10 October 2018 10:33

Guddoomiye Cali Gacal Oo Ay Xildhibaano Ku Shiray Dhuusamareeb Sheegeen In Ay Xilka Ka Qaadeen Oo Sheegay In Cadaado Ay Ku Dooranayaan Madaxweynaha Galmudug

10/10/2018(BNN) Cali Gacal Casir oo xildhibaano horey ugu shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa wuxuu sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii shalay xildhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay u doorteen Ismaaciil Cabdulle Axmed.

Wuxuu sheegay Cali Gacal in sidoo kale ay bedelayaan guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo lagu tiriyo inuu la safan yahay Galmudug garabka Xaaf.

Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan qaabka ay u dhaceyso doorashada, islamarkaana diyaarinta doorashada ay hada ku mashquulsan yihiin guddiga doorashada.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree