ABDUU

Thursday, 11 October 2018 10:13

Sirdoomka Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho Ku Qabtay Kooxo Sameeya Lacagta Doolarka Ah Oo Been Abuur Ah Shaaciyayna In Uu Nin Xildhibaan Ahi Ku Lug Leeyahay Falkaasi

11/10/2018(BNN) Qoraal la soo dhiggay Bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka iyo nabad-sugida dowladda Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay garoonka Aadan Cadde lagu soo qabtay shabakad isku xidhan oo ka shaqeysata sameynta dollar-ka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah kooxdan gacanta lagu dhiggay kuwa kalana lagu raadjoogo, iyadoo horay dowladda dhaqida dollarka iyo farsameyntiis-ba u aqoosatay faldanbiyeed aad u weyn.

Shabakadan ayeey NISA sheegtay in ay ku xidhnaayeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu u fududeyn jiray galida garoonka diyaaradaha, laakiin lama sheegin magaca xildhibaanka oo macluumaadkiisa loo gudbiyay sida ku cad qoraalka hay’addaha amniga.
"Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba ka mid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”.
Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya qabto rag sameey-nayay dollar false ah oo dadka lagu qaldo, laakiin marka hore aan waxba ka duwaneyn kan rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.


Xafiiska Wararka BoranaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree