ABDUU

Thursday, 11 October 2018 10:48

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Faadhyahanka Muslinka Ah Ee Khabib Nurmagomedov Oo Dhawaan Ku Soo Guulaytay Masaaricada Loo Yaqaano UFC +VIDEO

11/10/2018(BNN) Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la Kulmay Khabib Nurmagomedov oo ah qofkii ugu horreeyey ee Ruush ah oo ku guulaysta UFC ( Masaaricada ) Sidoo kalana ah qofkii ugu horreeyey ee muslim ah ee guushaas gaadha.

Khabib 1988 ayuu ku dhashay Dagestan oo ku taalla gobolka waqooyiga kawkasaska ee Ruushka, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa qowmiyadda Avar.

Aabihiis Abdulmanap waa ruug caddaa magac ku leh milateriga oo baray legdenka – waana cayaar aad looga cayaaro gobolkaas Ruushka ku yaalla – wixii ka dambeeya marka ay ilmuhu gaaraan da’da 8aad.

Abdulmanap wuxuu dabaqa hoose ee dhismaha uu degganaa ee magaalada Kirovaul uu ka dhigay meel jir dhiska lagu sameeyo (Gym), halkaasoo Nurmagomedov uu ka billaabay inuu si dhab ah u barto xirfadda dagaalka.

taasi waxay ahayd billowgii hawl wakhti dheer qaadatay oo Abdulmanap uu ku hormariyey rag sida loo dagaallamo bartay.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree