Thursday, 11 October 2018 16:01

Maal Qabeenka Ugu Da'da Yar Qaarada Africa Oo La Afduubtay Iyo Dalka Uu U Dhashay Maalqabeenkaasi La Afduubtay Iyo Cida Afduubkaasi Ka Dambaysay

11/10/2018(BNN) Taajirka ugu da’yar Afrika ayaa niman wajiga duuban, waxaa ay ka afduubteen hoteel ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Booliska oo xaqiijiyay afduubka ayaa sheegay Maxamed Dewji oo 43 jir in si qasab ah looga ka xeystay qaybtiga jimicsiga ee hoteel uu marka ku sugnaa , waxaana afduubka lala xiriiriyay labo ruux oo ajanabi ah.

Ilaa hadda ma cadda ujeeddada laga leeyahay afduubka Maxamed Dewji oo lagu sheegay inuu yahay ninka ugu da’yar taajiriinta Afrika, iyadoo afduubkiisa loo xirey saddex ruux.

Dewji oo ganacsade ah ayaa hadda hantidiisa lagu qiyaasay ku dhawaad 2 bilyan oo doollarka Maraykanka ah ayaa sidoo kale ah bilyanaarka kaliya ee ka soo jeeda dalka Tanzania, sida ay baahisay jariidadda dadka ladan ka faaloota ee Forbes.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree