Wednesday, 07 November 2018 12:23

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisaw Oo Kulan Kala Qaatay Taliyaha Ciidamada Amisom Kalana Hadlay Dakii Ay Shalay Layeen Ciidamada Amisom

07/11/2018(BNN) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in uu la kulmay taliyaha Ciidanka AMISOM oo uu kala hadlay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Ciidankii ka dambeeyay dadkii Shacabka ahaa ee shalay lagu dilay Hilwaa.

“Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto” ayuu yidhi Gudoomiye Yariisow.

Waxaa uu sheegay in taliyaha ciidanka AMISOM uu u ballanqaaday in ay tilaabo ka qaadi doonaan Ciidanka dhibka geystay,islamarkaana uu la kulmi doono Ehellada dadkii ay waxyeelado soo gaadhay.

“Waxaana ka dalbaday inuu baadhis dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaadhay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday” ayuu yidhi Markale Gudoomiye Yariisow

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree