Thursday, 08 November 2018 08:43

Amisom Oo War Ka Soo Saartay Dadkii Shacabka Ahaa Ee Ay Ku Laysay Gudaha Magaalada Muqdhisho Shaacisayna Ay Baadhitaan Ku Samaynayaan Dhacdadaasi

08/11/2018(BNN) War-saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Ururka uu baadhitaan dhab ah ku sameynayo dhacdada ay ku dhinteen afarta qof ee rayidka ahayd ee ka dhacday Ex Koontarool Balcad Degmada Huriwaa.

Qoraalka AMISOM ayaa looga tacsiyeeyay ehelka dadka dhintay,waxaa kale oo lagu sheegay in Ciidamada AMISOM tababarkooda ay ka mid ahayd dhowrista xeerarka caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Waxaa lagu sheegay in baaritaankaas la wadayo ilaa caddaaladda laga horkeeno askarta ku lugyeelata.

AMISOM waxaa ay sheegtay in baadhitaankaas ay la kaashaneyso Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana la wadayo inta laga dhameystirayo.

Tiro dhowr jeer aha ayey sidan oo kale Ciidamada AMISOM dilal ugu geysteen dad Soomaali ah,waxaana ugu dambeeyay Askari ka tirsanaa Ciidanka Jubaland oo Ciidamada Kenya ay shalay gaadhi ku jiirsiiyeen Magaalada Kismaayo,halkaas oo uu ku geeriyooday.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree