Thursday, 08 November 2018 17:50

DAAWO:Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Galaaftay Xildhibaan La Beegsaday Oo Gaadhigiisa Loogu Xidhay Qaraxaasi Muuqaalka Iyo Magaca Xildhibanka Oo....

08/11/2018 (BNN) Cabdiweli Maxamed Ibraahin oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhintey qarax ka dhacay goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.
 
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay galeen fasax labo bilood ah.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loogu xidhay baabuur nooca raaxada ah ee uu watay xildhibaanka.
Allaha u naxariistee Xildhibaan  Cabdiweli Maxamed Ibraahin  ayaa noqonaya xildhibaankii 4aad ee ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhintey qarax ama weerar ay fuliyeen Al-Shabaab.
 
Xafiiska Wararka Boramanews
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 
xildhibaan cabdweli
 
qars1
qars2
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree