Wednesday, 05 December 2018 15:31

Akhriso:- War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland Iyo Arimao Xasaasiya Oo Lagaga Hadlay Warsaxaafadeedkaasi + Digniin Ku Socota Dawlada Fadaraalka Oo Ka Muuqata

05/12/2018(BNN) Warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee Puntland iyo doorashada la filayo in ay dhacdo 8-Janaayo 2019.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha Puntland ay u dhacayso sidii loogu talo galay isla markaana aan lagu samayn karin wax farogelin ah.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu taageeray gudigii ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada ee uu dhawaan magacaabay madaxweyne Gaas iyadoona shacab weynaha Puntland loogu baaqay in ay u diyaar garoobaan kana qeyb qaataan amniga guud ee Puntland.

Lahjada loo adeegsaday warsaxaafadeedka madaxtooyada Puntland kasoo baxay ayaa laga dheehan karay digniin ku socota dowlada Federaalka iyo muujinta in aanay jirin haba yaraatee farogelin lagu sameyn karo doorashooyinka Puntland ay galayso horaanta sanadka Cusub inkastoo la qiray in ay jirto farogelin ay dowlada Federaalka ay ku hayso doorashada madaxweyne ee Puntland.

warbi pL

 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree