Wednesday, 05 December 2018 15:53

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Muushin Ka Keenay Heshiisyadii Madaxwayne Farmaajo La Soo Galay Dalaka Caalamka+ Tirada Xildhibaanada Mooshinka Gudbiyay

05/12/2018(BNN) Mudanayaal ka tirsan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is-afgaradkii uu madaxweyne Farmaajo la galay dowladaha qaar ee caalamka.

Tirada xildhibaanadan gudbiyay mooshinka ayaa dhan 10-xildhibaan waxaana ay sheegeen in ay walaac ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee uu madaxweyne Farmaajo la galay dowladaha Shisheeye.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in si deg deg ah loogu baahan yahay heshiisyadadaasi in ay dood ka yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Heshiisyada iyo is-afgaradyada uu galay madaxweyne Farmaajo waxaa qeyb ka ah kuwo uu la galay dowladaha Ethiopia,Ertrea iyo Kenya waxaana warqadda mooshinka xildhibaanada ku xusnaa is-afgarad iyo heshiisyo uu la galay madaxweynaha dowladaha Ethiopia iyo Eritrea oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay cilaaqaadka ay la lahaayeen Soomaaliya uu soo hagaagayay.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa badankood mucaarad ku ah dowlada madaxweyne Farmaajo lamana oga sida uu gudoonka golaha shacabka u gudoomi karo warqadan mooshinka ah maadama ay wali taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii gudiga maaliyadda Golaha shacabka.

xildhi

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree