Wednesday, 05 December 2018 23:35

PROF SAMATAR:Isbadalka Geeska Afrika Waxa Uu Ixtiraamayaa Midnimada Iyo Xoriyada Somaliya Muuse Biixi Waxa Uu Ka Baxay Balamihii Shacabku Ku Doorteen Doorashadii Kulmiye Ku Guulaystay

proddd

05/12/2018 /BNN/ Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xaalada Somaliland iyo guud ahaanba geeska Afrika gaar ahaan isbadalka siyaasadeed ee geeska Afrika kadhacay iyo go,doonka siyaasadeed ee Somaliland gashay. 

Prof Samatar ayaa sheegay isbadalka geeska Afrika isku keenay Madaxwaynaha Eritrea oo ah dal uu ka jiro xukun dheeraaday oo ninkaliya ah iyo raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ah layimiday furfurnaan iyo siyaasad isdhexgal ah oo ka dhacda geeska Afrika taasi oo labadooduba ku dhawaaqeen in la dhawro midnimada iyo xoriyada Somaliya.

sidoo kale Prof Samatar oo ka hadlay Somaliland ayaa dhaliilo adag u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani, kuwaas oo uu sheegay inaanay ilaa maanta hayn siyaasad jihaysan oo ay taageerada shacabka ku hantaan.

Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday “Arin kale oo taariikhiya ayaa ka Dhacday somaliland doorashadii madaxtooyada ayaana si guul ah uga dhacday bishii November 2017, taas oo ay ku tartameen sadexda xisbi ee sharcigu ogol yahay ee kala ah Ucid, Waddani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, doorashadaas oo ay soo gashay waxoogaa qabyaalad ah oo ka imanayey xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye”

Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa fashil ku tilmaamay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye u soo bandhigay bulshada, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay inaan ilaa hada waxba laga qaban adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale soo bandhigay sababaha fashilka ugu wacan barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo qodobada uu u arko inay keeneen waxaanu yidhi

1/Golaha Wasiirrada ee madaxweyne Biixi waxay burinayaan balanqaadyadii uu ololaha ku galay ee ahaa inuu magacaabo Rag iyo Dumar karti iyo awood leh. Waxa kaloo uu ka tallaabsaday halbeeggii ahaa inaanay Golaha Wasiirradu ka badan 20 Wasiir. Waxaanu madaxweyne Biixi markiiba dib ugu noqday habkii qadiimiga ahaa ee

lagu hungoobay, waxaanu magacaabay (32 Wasiir iyo Ku-xigeeno), taasi oo isu dheelitir La’aani ka muuqato, una sadburinaysa reer kaliya oo 22 xubnood qaatay.

2/Muuse Biixi wuxuu si wax ku ool ah u yareeyey habkii fadeexada ahaa ee masuuliyiinta sarsare u   isticmaali jireen   kharashaadka dowladda, balse waxba lagama qaban Koboc la’aanta dhaqaalaha, qaaliga maceeshada, qiimo dhaca lacagta dalka iyo shaqo la’aantii xun ee haysta dhallinyarada.

3/Maamulka Madaxweyne Biixi wuxuu sii waday qorshe xumadii, shaqaale xumadii, taasina waxay wiiqaysaa xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka 27kii sannadood ee ay dib uga soo noqotay madax-bannaanideeda Soomaaliya.

4/Ma jiro wax caddaynaya in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka midna ay dabaqeen isbeddelkii loo baahnaa.

Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay inaan la aqbali Karin in doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada ee dalku ay mar kale dib u dhacaan iyaga oo qorshaysnaa in la qabto sanadkan 2019.

Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu si adag u dhaliilay xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen doorkii ay lahaayeen, isaga oo si gaar ah u xusay in xisbiga Waddani oo doorashadii madaxtooyada helay in ka badan 40% uu mudo sanad ku dhaw ka soo waaqsan la yahay guul daradii ka soo gaadhay doorashadii, isaga oo xusay inaanu xisbiga Waddani ilaa hada muujin wax calaamada oo tilmaamaysa inuu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh.

Prof Samatar ayaa sidoo kale farta ku goday siyaasada qabiilaysan iyo danaha shaqsiga ah ee wali kasii socota Somaliya sheegayna in awooda alshabaab tahay mid wali jirta shacabkuna dhibaato iyo qaraxyo la kulmaan xukuumada taagtadaran ee Somaliyana wali afka ka nooshahay wadamo bariga dhexe iyo Yurubna lacago ku bixinayaan sidii ay u heli lahaayeen shaqsiyaad u hogaansan oo maamulkaasi uga shaqeeya.

HALKAN GUJI SI AAD U AKHRIDO QORAALKA PROF SAMATAR

Xafiiska Wararka BNN

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree