Thursday, 06 December 2018 08:57

Filim Hollywoodka Maraykanku Kasamaynayaan Gawracii Foosha Xumaa Ee Suxufigii Sacuudiga Jamal Khashuggi Iyo Jilaaga Oscarka Haysta Oo Tagay Goobtii Dilka+VIDEO

oscar actor
 
06/12/2018 (BNN) Jilaaga Maraykanka ah ee hore ugu guuleystey abaalmarinta Oscarka Sean Penn ayaa bilaabay inuu  filim ka sameeyo  dilkii Jamal Khashoggi ee lagu dhex diley qunsuliyada Sacudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul dalka  Turkiga horaantii bishii Oktoobar ee sanadkan.
 Sean Penn  oo ay weheliyaan koox ka kooban toban ruux oo ay ka mid  yihiin ilaalo gaar ah ayaa lagu arkay iyagoo jooga afaafka hore ee dhismaha qunsuliyada Sacudiga ee magaalada Istanbul sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Anadolu.
Sidoo kale jilaaga ayaa lagu arkay afaafka hore ee dhismaha uu ka degenaa magaalada Istanbul qunsulka Sacudi Carabiya.
Jilaaga ayaa lagu wadaa in uu la kulmo gabadhii u doonayay inuu guursado Khashoggi ee  Hatice Cengiz sida laga soo xigtey wargeyska taageera dowlada Turkiga
Penn ayaa waxaa uu soo jiitey indhaha caalamka kadib markii siyaasadda iyo arrimaha caalamka ee socda uu aflaam ka sameeyay,waxana lagu xusuustaa isaga iyo aktarada Mexican-Americanka ah ee Kate del Castillo markii ay wareysi ka qaadeen ninka caanka ku ahaa ka ganacsiga daroogada ee  u  dhashay dalka Mexico Joaquin “El Chapo” Guzman  weliba xilli la baadigoobayay.
 Xafiiska Wararka BNN
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree