Thursday, 06 December 2018 09:52

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dad badan Oo Ku Sumoobay Deegaanada Hoose Yimaada Degmada Carmo Ee Gobolka Bari + Waxa Ay Ku Sumoobeen Dadkaasi

06/12/2018(BNN) Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dad ku sumoobay degaanka Ceel-daahir oo hoos taga degmada Carmo ee gobolka Bari sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari.

Faadumo C/laahi Cade oo ah maamulaha Isbitaalka degmada Carmo ayaa warbaahinta u sheegtay in dadkaan ay sumoobeen kadib markii ay Cabeen Caano ku jiray Caagado, islamarkaana ay isugu jiraan Haween iyo Carruur.

Waxa ay tilmaamtay in dadka qaar ay xaaladooda liidato, inkastoo dhammaan dadka waxyeellada soo gaadhay la baxnaaninayo, lana geeyey xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaankaasi iyo degmada Carmo

“Ilaa 45 qof ayaa xanuunsaday kadib marka ay cabeen Caano deegaanka ,waxaana kasoo gurmaday degmada Carmo” ayay tidhi Agaasimaha Isbitaalka Carmo.

Marar badan sidan oo kale waxaa u sumoobay dad si lama filaan ah sun uga soo raacday raashiin ay cuneen iyo caano ay cabeen.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree