Thursday, 06 December 2018 15:44

Wafti Balaadhan Oo Uu Hagaaminayo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Goor Dhawayd Gaadhay Magaalada Kismaayo

06/12/2018(BNN) Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi C/laahi & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaw gaadhay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Maamulkaasi.

Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka & Wafdigiisa ayaa la xiriirta arrimaha ku aadan dadaaladii Golaha Aqalka Sare ay ka wadeen Maamul Goboledyada ee ku aadan xalinta Khilaafka dowladda Somaliya & Maamul Goboledyada ka dhex taagan.

Jubbaland waxa uu ahaa maamulkii ugu horeeyay ee beeniyay hadalka kasoo baxay guddiga aqalka sare ay u xil saareyn xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee ku aadana in la xaliyay khilaafkaasi.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree