Thursday, 06 December 2018 16:45

Dawlada Jabuuti Oo Ka Hadashay Wada Hadalada Kala Dhexeeya Dalka Eritrea Oo Dhawaan La Filayo In Ay Si Rasmi Ah Uga Bilaabmaan Dalka Jabuuti

06/12/2018(BNN) Dhawaan waxaa la filayaa in Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afeworki iyo wafdi uu hoggaaminayo uu gaadho dalka Jabuuti si uu wadahadallo ula yeesho dhigiisa dalkaas.

Labada dowladood ayaa mudo dhowr Sanno ah waxaa ka dhaxeeyay dagaalo sababay gacan ka hadal dhex maray Ciidamada labada dowladood,hayeeshee haatan ay u bilaawdeen wadahadallo.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wada xaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaas oo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hormuud ka ah wadahadallada lagu dhex dhexaadinayo Wadamada Jabuuti iyo Eritrea si xasilooni uga dhacdo wadamada Gobolka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree