Wednesday, 09 January 2019 13:20

Madaxwaynaha Iyo Madaxwayne Ku Xigeeka Cusub Ee Maamulka Puntland Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Saraakiisha Ciidamada Amniga Ee Puntland

09/01/2019(BNN) Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan [ Karaash] ayaa maanta 09 Jan. 2019 waxay kulan deg deg ah la qaateen taliyaasha iyo saraakiisha ciidamada Puntland.

Waxaa kulanka looga Wada hadlay adkaynta iyo dar-dar gelinta xaaladda ammaanka Puntland.

Maalintii shalay ayaa waxaa Doorasho ay ka dhacday magaalada Garoowe, Taasi oo lagu doortay Hogaanka Puntland, waxaana Madaxwaynuhu hada uu ku Jiraa Dhaqaajinta Shaqadii maamulka iyo Qaabka ugu Haboon ee lagu wada shaqayn lahaa.

 

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree