Wednesday, 09 January 2019 20:21

SOMALILAND:Ingiriisku Safiir Ayuu Usoo Magaacawday Somaliland Si Toosana Ugu Shaqo Leh Somaliland Oo Kaliya Kana Hawlgalaya+VIDEO

09/1/2019  (BNN) Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo ayaa isaga oo ku sugan dalka Britain waxa uu sheegay in dowladda Britain ay ergay gaar ah usoo magacaawday Somaliland.
Waxa uu sheegay in uu u shaqeyn doono sida safiir loo soo magacaabay dal madax banaan, waxa uuna intaas ku daray in uu fadhigiisu ahaan doono Magaalada Adddis Ababa.
Dowladda Ingiriiska kama aysan hadal ilaa iyo haatan, hadii ay ergay usoo magacaabeen Somaliland, Magaca ergayga iyo waxa uu qaban doono.Warkani ayaa la hubin uu wasiirku ku dhawaaqay
lamana oga inuu ka mid noqon doono hadalada 27 sanno soo jiitamayay ee shacabka Somaliland madaxdu u sheegto oo aan midna ku fulin.
Arrintaani ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhawaan xoghayaha difaaca Britain uu booqasho aan hori loo sii shaacin ku tagay Somaliland, balse isagu qudhiisa kama uusan hadal arrintaani.
 
Xafiiska Wararka BNN
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree