Thursday, 10 January 2019 07:01

Shir Lagaga Hadlayo Ka Hortegayo Qaraxyada Oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho Iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya Oo Furay Shirkaasi

10/01/2019(BNN) Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta magaaladda Muqdisho ka furay Shir wada-tashi ah oo ku saabsan ka Hortagga Qaraxyada gacan ku sameyska ah.

Shirkan ayaa ka qeyb galay Qaar kamid ah Saraakiisha Amniga, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga gudaha XFS iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ka hortagga Qaraxyada Alshabaab ay geystaan Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Muqdisho, isaggoo isaggoo xusay in la dejin doono qorshe cad oo looga hortagayo Waxyaabaha Qarxa.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan ka hortagga Waxyaabaha qarxa, islamarkaana looga baahan yahay in ay ku war geliyaan Ciidanka haddii ay arkaan dad ku howlan falal amniga lid ku ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree