Thursday, 10 January 2019 07:17

Alshabaab Oo Weerar Ku Soo Qaaday Degmada Marka Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Iyo Dagaal Culus Oo Ay Ciidamada Somaliya La Galeen Shabaab

10/01/2019(BNN) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay agaal culus oo xalay ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Marka,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah socday.

Dad ku sugan Magalada Marka ayaa u sheegay in dagaalka uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Xaafad Ruusiya oo ay Al-Shabaab soo weerareen fariisin ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin,isla markaan ay maqlayeen jugta culus hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana dib ugu celiyeen halkii markii hore ay kasoo weerar tageen.

Weli macadam khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas maadaama xilli haben ah aheyd dadka badankoodna ay ahaayeen kuwo Guryahooda ku jira,hayeeshee warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro labada dhinac ah iyo dadka rayidka ah intaba.

Wararka saakay naga soo gaaraya Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Shabaab ay dib ugu laabteen deegaanka Jilib Marka oo ay markii hore ka yimaadeen,hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay wadaan Cidamada Dowladda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree