Thursday, 10 January 2019 07:30

Akhriso Wararkii Ugu Dambeyay Ee Duqaymo Ay Diyaarada Maraykanku Ka Fuliyeen Somaliya Iyo Xubno Ka Tirsan Ururka Alshabaab Oo La Sheegay In Lagu Laayay Duqaymahaasi

10/01/2019(BNN) Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayn cusub ka gaysteen Gobolka Bay 8 bishaan in ay ku dileen xubno ka mid ah Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Afrika ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay dhacday degaanka lagu magacaabo Yaaq Baraawe oo ku yaalla Gobolka Bay.


Goobtaasi ayaa Maraykanku sheegeen inay ahayd goob ay iska abaabulaan Al-Shabaab.

Lix ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay, baabuurna waa lagu burbiyey sida ay sheegeen taliska Maraykanka.

Maraykanku waxay sheegeen inaan dad rayid ah waxba ku noqonin weerarkaasi.

Waa duqayntii shanaad ee sannadkan Maraykanku uu ka gaysto Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree