Thursday, 10 January 2019 07:35

Natiijadada Doorashadii Dhawaan Ka Dhacday Dalka Kongo Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Hogaamiyaha Mucaaridka Ee Dalkaasi Oo Ku Guulaystay Doorashadaasi

10/01/2019(BNN) Guddiga Doorashadda ee dalkaasi waxay maanta ku dhawaaqeen Natiijadda Doorashadii Madaxtinimadda ee bishii November 30-dii ka dhacday dalkaasi, iyadoo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Felikis Tashisekedi ku guuleystay Doorashadaasi.

Madaxweynaha cusub ee dalkaasi waxaa la sheegay inuu helay 38.57% oo u dhiganta in ka badan 7 milyan oo cod, halka Murashaxa labaad ee lagu magacaabo Martin Fayulu la sheegay inuu helay 6.4 milyan oo cod.
Natiijadda Doorashadda waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo si Dimuqraadi ah ku dhacda tan iyo markii uu dalkaasi ka xoroobay Gumeysigi Beljimka sannadkii 1960-kii.

Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey dalkaasi, Josef Kabiila ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo xilka ka dego, wuxuuna talada dalkaasi hayey muddo 18-sanno ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree