Thursday, 10 January 2019 13:19

Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Iscasilaya Iyo Isku Shaandhayn Muuse Biixi Qorsheeyay

mukll

10/1/2019 (BNN) Warar kasoo baxaya xafiiska Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegaya in uu diyaariyay isku shaandhayn baahsan oo uu ku samaynayo xukuumadiisa,waxaana magacyada liistigaasi ku jira lagu sheegay isbadal kala huf iyo kala haadin ah.

Wasiirka arimaha dibada Faratoon ayaa la cadeeyay inuu xilkiisa wayn doono laguna badalayo wasiirkii hore ee Cabdilaahi Xuseen Ducaale oo bariga Burco kasoo jeeda,halka wasiirka arimaha gudaha isna wasaarad hoose la keenayo sida ilo madaxtooyada ku sugani  Boramanews u cadeeyeen,warkani ayaa sheegaya in Madaxwayne Muuse Biixi gudoomiyaha makmada sare ka codsaday inuu iscasilo,taasi oo Boramanews loo sheegay inuu badalkiisa noqonayo wasiir hore Gacmay oo kasoo jeeda Badhan/Sanaag.

Isku shaandhayntani ayaa la sheegayaa inay galaafan doonto taliyaha Booliiska Iyo Agaasimayaal Hay,addo lama cadayn masuuliyiintaasi magacyadooda.

Isha ku hay Boramanews Wixii war ah ee kasoo kordha warkaasi .

Cabdiraxman X Xasan (Suul)

Hargeysa/Boramanews

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree