Sunday, 10 February 2019 09:40

DEG DEG: Xukumad Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Mid Ka Mid Ah Wargaysyada Ka Soo Baxa Magaalad Hargaysa + Sobobta

10/02/2019(BNN) Maxkamada Gobalka Maroodi-Jeex oo mudooyinkii ugu danbeysay gacanta ku haysay dacwado lagu soo oogay Wargeys-ka Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa saaka xukun ka soo saartey dacwadaasi .

Maxkamada ayaa saaka amartey in Wargeys-ka Foore ay xayirtey muddo hal sanno ah isla markaana ay ku ganaaxdey saddex Milyan oo ganaax ah .

Maxkamada ayaa sidoo kale xidhay Tifatirihii wargeyska Foore Maxamed Ilkacase ilaa iyo inta la soo shubaayo lacagta ganaaxa ah ee Saddex Milyan ah

Masuulyiinta Wargeyska Foore ayaa la sheegay in aaney ku qancin xukunkaasi , sidoo kale ururka SOLJA ayaan isla ilaa hada aan ka hadlin

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree