Thursday, 14 March 2019 11:02

Maraykanka Oo Ka Warbixiyay Duqaymo Ay Ka Fuliyeen Somaliya Iyo Madaxwayne Tramp Oo Wada Qorshe Cusub Oo Laf Jab Ku Noqon Dooma Amisom

14/03/2019(BNN) Taliska Mareykanka ee Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa war kasoo saaray duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka fuliyeen deegaano kamid koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in habeenimadii xalay ay diyaaradaha dagaalku weerareen fariisimo Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Huleey oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose.

Waxa ay sheegeen in duqeyntaasi diyaaradeed ay ku dileen ilaa 2 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab hayeeshee uusan jirin khasaare kasoo gaaray dadka rayidka ee dagan deegaanka ay weerareen sida lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa uu wajihi doonaa halis dhaqaale oo xooggan, oo sababi karta in ciidamada badan ay ka baxaan Soomaaliya, kadib go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Dalka Maraynkan Donld Trump oo ku dhowaaqay miisaaniyadda dowladdiisa ee sanadda 2020, ayaa waxaa ku jiri dhimis xooggan oo lagu sameynayo lacagta Mareykanka uu ku caawiyo howl-galka Amisom ee Soomaaliya.

Qorshaha Trump ayaa ah inuu dhimso 65% lacagta Mareykanka uu ku bixiyo Amisom. Lacagtaas oo iminka ah sanadii 254 milyan oo dollar, ayaa waxaa laga soo reebi doonaa kaliya 90 milyan oo dollar. Qorshaha Trump ayaa waxaa ku jira in sanadaha xiga la joojiyo lacagtaas gebigeed.

Go’aanka Trump ayaa xaaladda kusii xumeyn doonta Amisom, oo markii horeba wajahaysay dhimis 20% oo ka timid Midowga Yurub.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree