Thursday, 14 March 2019 13:07

DEG DEG:Maamulka Somalida Itoobiya Oo Qaar Ka Mida Salaadiinta Somaliland Ka Mamnuucaay Inay Cag Soo Dhigaan Deegaanada Dhulka Somalida Itoobiya Iyo Sobobta Oo...

14/03/2019 (BNN) War imika naga soo gaadhay Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ismaamulka Deegaanka Somalidu soo saaray qorshe lagu joojinayo odayaal salaadiin Somaliland

ah inay soo cago dhigaan dhulka ismaamulka.Masuul ka tirsan laamaha amaanka oo Boramanews lahadlay ayaa sheegay in qorshahani soo jiitamayay kadib  markii la qabtay shirkii Beelaha Direed Magaalada Addisababa.Shirkaasi oo uu ku tilmaamay in Rag Somaliland kala qaybiyay ay isku dayeen inay kala qaybiyaan shacabka Somalida Itoobiya oo halgan ugu jira inay xaqooga kasoo dhacsadaan Itoobiyada Cusub ee Abiya Ahmed hogaaminayo.

Masuulkani ma sheegin magacyada Salaadiinta Somaliland ee laga mabnuucay dhulka Somalida Itoobiya iyo waxay wajahayaan haddii ay soo galaan deegaanka.

Balse waxa uu sheegay inay yihiin kuwo ku siwayn loo yaqaana oo Somaliland fadhigoogu yahay.Masuulkani ayaa sheegay in Ugaasyada Beelaha muhiimka ah ee degan dhulka Somalida Itoobiya ka gaabsadeen inay ka qaybgalaan shir bulshada kala qaybinaya waxaana uu farta ku fiiqay Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe, Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid iyo kuwa lamida.

Warkani laamaha amniga loo gudbiyay wali warbaahinta deegaankaasi ma shaacin,balse la,arki doono sida uu u hirgalo iyo Salaadiinta uu qabto ee loo ciqaabo kala qaybinta Shacabka Deegaankaasi.

Xafiiska Wararka Boramanews

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree