Thursday, 14 March 2019 14:18

Baarlamaanka Dawlada Kenya Oo Gaadacay Qorshaha Uu Madaxwaynaha Dalkaasi Ku Doonayo In Uu Darbi Ka Dhiso Xuduudka Ka U Dhexeeya Kenya Iyo Somaliya

14/03/2019(BNN) Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa diiday qorshe ay u gudbisay xukuumadda Uhurru Kenyatta kaasi oo la xiriira darbiga laga dhisayo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa diiday qorshahaasi, iyadoo xukuumada Kenya ay miiska saartay dhaqaalo gaaraya 3.5 Milyan oo lacagta Kenya ah, taasi oo loo qorsheeyay in dib loogu bilaabo dhismaha darbiga xuduuda labada dal.

Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan taasi aqbaleynin, iyaga oo soo jeediyay in badalka lacagta darbigaasi lagu dhisayo lagu daro miisaaniyadda lagula dagaalamayo Al Shabaab, maadaama ay qatar weyn ku yihiin amaanka Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa qorshaha dhismaha darbiga kala qeybinaya xuduuda dalalka Kenya iyo Soomaaliya joojisay bishii March ee sanadii 2018, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay socotay qorshaha dib u bilaabida dhismaha darbigaasi.

Guddoomiyaha gobolka Maandheera ee Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbigaasi la joojiyay kadib markii ay kulmeen isaga iyo guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa billowday dhismaha darbi kala qeybinaya Soomaaliya oo uu dhererkiisu yahay 700 km sanadkii 2013kii, iyadoo marar badan uu u joogsaday dhaqaalo xumo.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree