Thursday, 14 March 2019 14:26

DEG DEG: Banaan Bax Lagaga Soo Horjeedo Somaliland Iyo Ciidamada Oo Ka Dhacay Degmada Hadaafimo Ee Gobolka Sanaag Iyo Ereyo Ka Dhan Somaliland Oo Shacabku Dhawaaqayaan

14/03/2019(BNN) Xiisada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagnayd Bariga Gobolka Sanaag, Kadib markii ay Halkaasi gaadheen Ciidamo ka tirsan Somaliland oo Fadhiisimo Cusub ka samaystay.

Banaanbax balaadhan oo looga soo horjeedo Ciidamada Somaliland ayaa haatan waxa uu ka soconayaa degmada Hadaftimo ee gobolka Sanaag.

Dadka banaanbax dhigaya oo isugu jira Waxgarad, Dhalinyaro iyo Haweenka ayaa lagu soo waramayaa in ay isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn ee degmada Hadaaftimo iyagoona ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Somaliland.

Mid kamid ah dadka banaanbaxa dhigaya ayaa sheegay in banaanbaxa looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa ay ciidamada maamulka Somaliland uu kawado gobolka Sanaag, waxaana uu sheegay in taageerayaan dowladda Puntland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree